Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Wasiiradii tirada badnaa uu soo magacaabay Cali Guudlaawe

Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Jowhar ayaa meel mariyay, golihii wasiiradda uu dhawwaan soo magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka codsaday xildhibaanada Hirshabelle in ay ansixiyaan golaha wasiiradda cusub uu soo magacaabay, kuwaa uu xusay in uu kusoo xushay karti iyo aqoon.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, oo kulanka baarlamaanka guddoominayay ayaa sheegay in dhammaan xildhibaanadii kulanka joogay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen golaha wasiiradda.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa labo sanno kaddib soo magacaabay golle wasiirro oo ka kooban 80-xubnood ,kuwa aoo isug jira wasiiro, wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo la siiyay kaalmo lacageed oo gaareysa $ 75 million

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaalo culus oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Milateriga Israel oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---