Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Pelosi oo gaartay Taiwan iyo Xiisad ka dhex qaraxday Shiinaha & Mareykanka (Sawirro)

Afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa gaartay jasiiradda Taiwan, kaddib todobaadyo ay socdeen muran ka dhashay socdaalkeeda.

Waa booqashadii ugu horeyay oo uu sarkaal sare oo Mareykan ah ku tago jasiiraddaasi, muddo 25 sano ah kaddib.

Pelosi ayaa ku timid diyaarad rakaab ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Mareykanka, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Taipei ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Taiwan iyo mas’uuliyiin kale oo Taiwan iyo Mareykan ah..

Booqashadeeda waxa ay sare u qaaday xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka, sababtoo ah Shiinuhu waxa uu ku andacoonayaa in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, waxaanay u aragtaa booqashooyinka saraakiisha dawladda shisheeye aqoonsi Madax-banaanida jasiiradda.

Ms Pelosi ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay dooneysay inay qadariso wax ay ugu yeertay dimuqraadiyadda Taiwan.

Shiinaha oo sheegto in Taiwan ay ka tirsantahay dhulkeeda, ayaa booqashada Nancy Pelosi ku tilmaamay wax aad khatar u ah, isagoo aagga jasiiraddaasi geeyay ciidamo millateri ah.

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo balanqaad culus u sameeyey bulshadda gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Farmaajo oo Madaxda 3 dowlad goboleed oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---