Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Farmaajo oo Madaxda 3 dowlad goboleed oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa caawa halkaas kulamo kula leh qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxtooyada Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa iyana lagu wadaa iney beri gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qaliin kooban ku galay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ka dib xaalad caafimaad oo soo wajahday.

Dhamaan Madaxda ku sugan Dhuusamareeb iyo kuwa la sugayo ayaa ka qeyb galaya shirka dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka oo saacadaha soo socda furmaya  iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbo muhiim ah oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney shirqool ku dishay ninkii qabay iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xaaf oo ka hadlay doorashada maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb, kuna tilmaamay..

Caydiid Ali

Raisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---