Xildhibaanada golaha Shacabka oo loogu baaqay in aysan ansixin Xukuumadda cusub

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay ku dhawaaqay liiska golaha wasiiradda ee xukuumadiisa, waxaana kasoo dhax muuqday siyaasiyiin iyo dad badan oo caan ah.

Xukuumadan cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa durba wajaheysa mucaaradad uga imaaneysa xildhibaano , siyaasiyiin iyo qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo saluugsan saamiga ay ka heleen.

Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in hannaan aan fiicneen loo maray magacaabista golaha wasiiradda, waxa uuna xusay in Koonfur Galbeed la siiyay wasiirro aan tayo badneen.

Diris Dhaqtar ayaa ka codsaday xildhibaanada golaha shacabka in aysan codka kalsoonida siin xukuumaddan cusub dibna u celiyaan, waxa uuna xukuumaddan ku tilmaamay middii ugu liidata ee lasoo dhiso .

Xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse Cabndi Barre ayaa xubnaha ugu badan ee kasoo muuqday waxa ay ka yimaadeen dhinaca xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana laga cabsi qabaa in xukuumaddan ka gudbi weyso golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -