Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta ka dhacay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa maanta meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada ee Degmada Yaqshiid waxa ay ku dileen askari katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano biskoolado ku hubeesnaa maanta Degmada Hiliwaa ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo askari la socday.

“Howlgal Gaar ah oo ciidamada Al Shabaab maanta ay ka fuliyeen agagaarka dhismaha Xarunta Warshadii hore Baastada  waxey ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Milaariga dowlada ” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegay in sargaalkan ay maanta dileen darajadiisu aheyd Korneel, waxa ayna tilmaameen in uu caan ka ahaa Degmada Yaqshiid kana fulin jiray howlgalo dad lagu xir xiro.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan maanta ka dhacay Degmada Yaqshiid , waxa uuna dilkan kusoo aadayaa xili Muqdisho kusoo badanayaan dilalka qorsheesan iyo qaraxyada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay gaadiid gaashaaman oo loogu deeqay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Israa’iil xilli ay dad badan dhimanayaan

Cabdi Cade

Heshiis hoose oo dhaxmaray Axmed Madoowe & Ra’iisul Wasaare rooble & kuraasta taal Garbahaarey !!

admin
Taboola Ads ---