Antonio Guterres oo si weyn uga carrooday dil ay geesteen Ciidamada Qaramada Midoobay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si weyn uga carrooday dil iyo dhaawac ay ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay u geesteen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaan katirsan dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ayaa dilay labo qof oo shacab ah halka ay dhaawaceen 15-qof oo kale ,xilli ay kasoo gudbayeen xadka ay wadaagaan dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo..

Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dhibaatada ay shacabka u geesteen ciidamada nabad ilaalinta, waxa uuna ammar ku bixiyay in la baaro kiiska lana ciqaabo ciidankii ka dambeeyay.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa warbaahinta sheegay in la xiray ciidamadii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca loo geestay dadka shacabka ah lana baarayo kiiskaasi.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo ayaa waxaa ka howlgala ciidamo nabad ilaalin ah oo wata magaca Qaramada Midoobya, waxaana ciidamadan marar dhoor ah lagu eedeeyay in dalkaasi dhibaatooyin ka geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -