Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay ….

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa 17-kii bishii hore ee July ee sannadkan ka dhacay hotel kuyaalla magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday shaqsigii ka dambeeyay fulinta weerarka ismiidamainta ah ee ka dhacay Jowhar ,kaa oo galaaftay nolosha dhoor qof oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa Warbaahinta Al Shabaab sheegtay in uu fuliyay Max’med C/qaadir Max’med oo ah 20-sanno jir u  dhashay beesha Jareerweyne, oo kamid ah beelaha dega magaalada Jowhar.

Wiilkan qaraxa ismiidaaminta ah fuliyay ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Al Shabaab kahor inta uusan is qarxin ku sheegay in uu ku faraxsan yahay fulinta weerarkan is qarxinta ah uu ka fulinayay Jowhar.

Saameynta ka dhalatay qaraxa ismiidaaminta ah uu fuliyay dagaalyahanan katirsanaa Al Shabaab ayaa wali laga dareemayaa magaalada Jowhar, waxaana qaraxan ku bur buray dhismayaal badan oo kuyaallay aaga uu qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo soo saartay amar cusub oo ka dhan ah haweenka Afghanistan

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka xumaaday sida maanta loola dhaqmay Ciyaartoyda Qaranka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hoos u dhac weyn oo ku yimid kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---