Hoos u dhac weyn oo ku yimid kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Somalia

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka oo aad hoos ugu dhacay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 23 kiis oo Coronavirus ah 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Meelaha laga helay ayaa kala ah Somaliland:18 iyo 5 kiis oo Muqdisho laga diiwaan geliyey, iyadoo degaanada kale ee dalka aan laga helin kiisas cusub oo la xiriira cudurkan sida ku xusan qoraalka Wasaarada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka bogsadeen 11 ruux taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 829, halka dhimashadu ay weli mareyso 90 qof.

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 2,835 waxayna u muuqataa in cudurka uu haatan ku socdo marxalad gaabis ah ah dalka oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -