Nin Afrikan ah oo si arxan darro ah loogu dilay Talyaaniga iyo Carro ka dhalatay (Sawirro)

Magaalo kutaalla dalka Talyaaniga waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen kana carroodeen , kaddib markii nin soo galooti Afrikan ah oo u dhashay dalka Nageria lagu dilay goob waddo ah xilli dad badan ay arkayeen.

Ninka la dilay oo ahaa Alika Ogorchukwu, oo 39-sanno jir ahaa ayaa waxaa weeraray nin Talyaaniga u dhashay oo magaciisa lagu sheegay Filippo Claudi oo 32-sanno jir ah, ninkan ayaana ninka madowga ah si arxan darro waddo dhaxdeeda ugu dilay.

Muuqaalo ay duubeen dad goobta ku sugnaa ayaa laga arkayay ninka Talyaaniga u dhashay oo waddo dhaxdeeda lula dagaalamaya kuna dilaya ninka soo galootiga ah, mana isku dayin dad goobta ku sugnaa in ninka la dilayay u gurmadaan oo badbaadiyaan.

Dad badan oo daawaday muuqaalo baraha bulshada si weyn loogu baahiyay ayaa ka carrooday falkan arxan darada ah, waxa ayna dadku inta badan eeda dusha ka saarayeen dadkii goobta ku sugnaa ee iska daawanayay dilka goobta ka dhacayay.

Boqolaal qof oo Afrikan ah una badnaa kuwa kasoo jeeday dalka Nageria ayaa magaalada Civitanova Marche ee dilku ka dhacay ka dhigay banaan bax ay uga soo horjeedeen dilka kuna dalbanayeen cadaalad .

Siyaasiyiin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa si kulul u cambaareeyay falkan lagu weeraray laguna dilay ninka soo galootioga ah, waxa ayna siyaasiyiintan oo qaarkood lagu yaqaanay ajaaniib naceyb la sheegay in aan la aqbali karin waxii dhacay.

Ciidamada booliiska dalka Talyaaniga ayaana xabsiga dhigay ninka dilka loo heesto, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan sababta keentay dilka loo geestay ninka soo galootiga ah ee dhashay Nageria .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -