Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista golaha Wasiirada iyo Xubno la isku heysto

Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wada wadatashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista golaha cusub ee Wasiirada, waxa uuna Xamse Barre kulamo kala duwan la qaatay madax iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayna lahaayeen Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal ayaa looga arrinsaday magacaabista golaha wasiirada.

Sida aan wararka ku heleyno madaxda sare ee dalka ayaa isku raacay tirada laga dhigayo golaha wasiirada, hasa ahaatee waxaa khilaaf ka jiraa xilalka wasaaradaha qaar oo la isku heesto cidda la siinayo.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaana la sheegay in culees badan kala kulmayo guddoonka labada aqal qaarkood oo iyagu wata xubno gaar ah ay doonayaan in ay kasoo dhax muuqdaan golaha wasiirada.

Waxa sidoo kale Ra’isul wasaaraha culees kala kulmayaa xafiiska Madaxweynaha oo looga soo gudbiyay liis ay ku qoran yihiin xubnaha uu rabo Madaxweynaha in ay kasoo dhax muuqdaan golaha wasiirada.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa 25-kii bishan xildhibaanada golaha shacabka waxa ay siiyeen toban maalin oo dheeraad ah si uu ugu soo dhiso xukuumad cusub uguna sameeyo wadatashiyo badan.

Xukuumada cusub uu soo dhisayo Ra’isul wasaare Xamse  ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana inta badan lasii ogyahay xubnaha kasoo muuqan doono liiska golaha wasiiradda oo u badnaan doono saaxiibada iyo kooxihii taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -