Baarlamaanka Puntland oo diiday in la iibiyo dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe

Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo ay uga doodayeen kuna ansixinayeen ilaa shan ajando oo Baarlamaanka la horkeenay.

Kulanka ay maanta yeesheen xildhibaanada Puntland ayaa waxaa guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana kulanka xildhibaanada ku ansixiyeen qaar kamid ah ajandayaashii la horkeenay.

Xildhibaanada baarlamanaka Puntland ayaa  lala wadaagay warqad codsi ah oo Madaxweynaha DPL ku codsanayey iibka dhulka dawladda hoose ee Garoowe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka  Puntland.

Dood xildhibaanada ka yeesheen ansixinta codsiga Madaxweynaha ee ku aadanaa in la iibiyo dhulka dawladda hoose ee Garoowe ayaa waxaa ogolaatay ilaa shan xildhibaan halka ay diideen 27-xildhibaan ,waxaana ka aamusay 11-xildhibaan.

Baarlamanaka Puntland ayaa muddooyinkan dambe lahaa kulamo joogto ah oo ay kula xisaabtamayeen hay’adaha kala duwan ee maamulka Puntland, waxaana shaqada xildhibaanada hayaan soo dhaweeyay shacabka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -