Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood oo saaka la xiray iyo sababta keentay

Ciidamada amaanka DF ayaa saaka xiray jidadka magaalada Muiqdisho qaarkood, kuwaasoo laga joojiyey gaadiidka dadweynaha noocyadiisa kala duwan.

Gaadiidka ay wataan ciidamada iyo madaxda dowlada oo kaliya ayaa isticmaalaya jidadka la xiray, iyadoo la arkayo boqolaal shacab ah oo cagtooda maalaya si ay gaaraan goobahooda shaqo iyo kuwa Waxbarashada.

Isgoysyada ay xireen ciidamada amaanka ayaa waxaa kamid ah, Tarabuunka, Taleex Banaadir, Wadada Maka Al-Mukaraha iyo kuwo kale oo aad u muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Sababta loo xiray jidadkan ayaa waxaa lagu sheegay  munaasabada xuska sanadguuradii 3aad ee ka soo wareegtay qaraxii Zoope oo ay ku dhinteen dad ka badan 600 oo qof, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Munaasabad dhacdadaas lagu xusayo ayaa la filayaa in saka lagu qabto isgoyskaas taasoo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada qaarkood iyo dadweyne kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo si deg deg ah u hogaansantay Baaqii Guddiga Doorashada

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Tanja Fajon oo Muqdisho timid (Sawirro)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo war kasoo saartay Kulankii Xasan Sheekh iyo Madaxda saddex dowlad Goboleed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---