Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor iyo James Swam oo arrimo kala duwan kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo maanta soo gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhoor ah oo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha, la dagaalanka Alshabaab .

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale kawada hadlay shaqada xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug.

Qaramada Midoobay ayaan wax xafiis ah ku laheyn deegaanada maamulka Galmudug, waxaana dhawwaan la filaa in Qaramada Midoobay xafiis cusub ka furato caasimadda Galmudug.

Related posts

Dowladda oo kahor timid doorashada uu qabsanayo Axmed Madoobe digniin adagna u dirtay

Cabdi Cade

Booliska DF oo ka hadlay Video argagax leh oo baraha bulshada lagu baahiyey

Caydiid Ali

Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---