Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo soo arkay Dhibaato xoogan oo Abaarta ka dhalatay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday qaar ka mid ah deegaannada Abaartu saameysay ee Gobolka Nugaal, wuxuuna u kuurgalay xaaladda nololeed ee dadka reer guuraaga ah iyo kuwa Abaartu kusoo xeeraysay magaalooyinka.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer ugu kuurgalay oo xaalad wareystay dadka Abaartu saameysay ee ku nool deegaanada Xamur, Caano-Yaskax iyo deegannada hoos yimaada oo ka tirsan Gobolka Nugaal, wuxuuna la wadaagay Bulshada uu la kulmay in Dowladdu diyaar u tahay in ay Bulshadeeda la qeybsato wakhtiga adag, sidaa darteedna la dedejinayo Qorshaha gurmad degdeg ah oo dadka loo fidinayo.

Bulshada uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ka mahadceliyay dadaalka Dowladdu wado, lacagtii $1Million ee Dowladdu ugu talagashay gurmadka Abaarta iyo qorsheyaasha lagu qiimeynayo saameynta Abaarta iyo sida ugu fudud ee gurmadka lagu wada gaarsiin karo dhammaan dadka Abaartu saameysay ee ku nool Puntland.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku weheliyay Guddiga Abaaraha ee Puntland oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka, Goleyaasha Dowladda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Taliska Qeybta Gobolka Nugaal, Ganacsato iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Related posts

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka hor yimid talaabo uu qaaday Wasiirka Cadaalada

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dayuurado duqeyn ka geystay gobolka Gedo

Caydiid Ali

Dowladda oo saakay bur burin ku bilowday guryo kuyaalla dhulka Wasaaradda …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---