R/W Xamse Barre iyo Xasan Sheekh oo isla gartay Xubnaha kamid noqonaya Golaha Wasiirada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo ka soo laabtay socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa isla meel dhigay tirada ay noqonayaan golaha cusub ee Wasiirada iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doona xukuumada cusub.

Wasiirada uu soo magacaabayo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wararku sheegayaan in ay u badnaan doonaan xubno katirsan kooxaha Damul Jadiid iyo Daljir, waxaa sidoo kale qeyb ka noqonaya xubno wax kasoo dhisay Madaxweyne Xasan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre ayaa maalmo yar heesta si uu usoo dhiso xukuumad tayo leh, waxa uuna wadaa Ra’isul Wasaaraha latashiyo kala duwan uu la yeelanayo Madaxda dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -