Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Al Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliis iyo Mustafa Cagjar oo..

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu booliis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo hoostaga degmada Feer-feer ee gobolka Shabelle.

Wararka saakay ka imaanaya aagagii shalay dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, waxaana wali jirta cabsi la xariira in mar kale dagaalamaan ciidamada labada dhinac ee goobaha qaar isku hor fadhiya.

War kasoo baxay laamaha amniga ee dowlad deegaanka ayaa lagu sheegay in guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay deegaano hoostaga Feer-feer, waxa ayna shaaciyeen in ay jabiyeen dibna u riixeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee deegaanka soo galay.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Laas-qurun iyo deegaano kale, waxaana wararka la helayo sheegayaan in labada dhinac dagaalka khasaaro uu kasoo gaaray.

Dhinaca kale qoraal uu soo saaray madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar  ayuu ku sheegay in Al Shabaab aysan marnaba khalkhal gelin karin amaanka deegaanada Soomaalida.

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta gadaal ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu madaxweyne Mustafa Cagjar.

Dagaalyayhano  katirsan Al Shabaab ayaa duulaan ku qaaday dowlad deegaanka Soomaalida, waxa ayna Al Shabaab dagaal dhiig badan ku daatay gudaha dowlad deegaanka kula galeen ciidamada Liyuu booliis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -