Madaxtooyada oo si adag u beenisay Warar Saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo baahiyay

Warbaahinta dalka Masar iyo kuwa kale oo Caalami ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u baahiyay war ku aadan in Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen arrinta muranka ka jiro ee biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Masar Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al Sisi ayaa kulanka gaarka ah ay yeesheen uga wada hadlay khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay in kulanka ay yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar looga wada hadlay arrimo la xariiro biyo xireenka wabiga Niil ee isku khilaafsan yihiin dowladaha Masar iyo Itoobiya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka la baahiyay ee ku aadan in Madaxweynaha Soomaaliya dhigiisa dalka Masar kala hadlay muranka ka jira biyo xireenka Niil.

Wuxuu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen kaliya hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada wadan, adkeynta danaha istiraayiijiga ah & ka wada Shaqeynta Arrimaha amniga iyo Waxbarashada.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay  in mowqifka dowladda Soomaaliya ee Arrinta Wabiga Nile uu yahay in si nabad ah looga wada faa’iideysyo Wabiga Nile iyada oo la raacayo xeerarka Caalamiga ah ee degsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka shaqeenaya wanaajinta xiriirka Soomaaliya la leedahay qaar kamid ah waddamada Afrika iyo Carabta oo xumaaday xilligii uu talada hayay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -