Dabley hubeysan oo nolosha ku gubay Soddon qof oo shacab ah

Ugu yaraan 30 rakaab ah oo saarnaa bas marayey gobolka Sokoto ee dalka Nigeria ayaa geeriyoodey kadib markii ay dabley qabadsiiyeen dab.

Burcada hubeysanayaa sanadkii la soo dhaafay waxay fuliyeen weerarro xooggan oo lala beegsaday dadka deggan meelaha tuulooyinka ah iyo dadka rakaabka ah ee ku safraya waddooyinka waaweyn, waxaana ay afduubteen boqolaal carruur ah oo dhiganayay iskuullada waqooyiga dalkaas, si ay madax furasho uga qaataan.

Afhayeenka booliska gobolka Sokoto ee waqooyi galbeed Nigeria Sanusi Abubakar ayaa sheegay in baska ay saarnaayeen 24 rakaab ah markii ay dab qabadsiiyeen kooxo hubeysan waxaana uu sheegay in toddobo qof oo dhaawac la dhigay isbitaalka.

Laakin labo ka mid ah dadka deegaanka oo goobta gaaray oo gacan ka geystay soo saarista meydadka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in basku si xad dhaaf ah u rarnaa, meydadkuna ay gubteen oo aan la aqoonsan karin, iyagoo sheegay inay tiriyeen ugu yaraan meydka 30 oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Booliska iyo dadka deegaankaba waxay sheegeen in tani ay tahay dhacdo kale oo xasuusinaysa amni darada sii kordheysa ee ka jirta Nigeria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -