Madaxweynaha Ukraine oo fariin xasaasi ah u diray dhigiisa Ruushka, kana dalbaday..

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay wadada ugu dhaw ee lagu joojin karo dagaalka Ukraine inay tahay wadahadal toos ah oo ay wada-galaan isaga iyo madaxweyne Putin.

“Ma dooneyno inaan weerarno Ruushka, mana qorsheyneyno in aan weerarno. Maxaad naga rabtaan annaga? Nooga taga dhulkeena” ayuu yiri

Wuxuu intaas ku daray isagoo soo xiganaya wada hadal ka dhacay miis dheer bishii hore:

“Aan wada fariisano. 30 mitir meel ay noo dhaxaysana ha fariisan, sidii aad sameysay markii aad la kulmeysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron” ayuu yiri Zelensky.

“Ciidamada ruushku waxay badaleen istaraatiijiyadii dagaalkooda kadib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamadeena ruushku wuxuu masuul ka noqon doona islamarkaana magtiisa bixin doonaa khasaare kasta oo dagaalkan ka dhashay ama ka dhalan doona” ayuu sidoo kale yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron in Ruushku uu ku guuleysan doono in Ukraine uu ka dhigo wadan dhexdhexaad ah, taasoo uu ku sheegay inay tahay hadafkii uu halkaas ka lahaa.

Putin waxa kale oo uu Macron u sheegay inaanu ku raacsanayn khudbad uu shalay jeediyay hoggaamiyaha Faransiiska, taasoo uu ku sheegay in madaxweynaha Ruushka uu keligii masuul ka yahay dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -