Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta Wadatashi la yeeshay Culumaa’udiin caan ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan dhismaha xukuumadda cusub uu soo dhisayo..

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa maanta xildhibaanada golaha shacabka ugu dareen toban maalin oo dheeraad ah, si uu u sameeyo wadatashiyo hor leh una soo dhiso xukuumad tayo leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -