Jen. Townsend: “Caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta Somalia waa muddo kororsiga”

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada AFRIKA AFRICOM ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn Soomaaliya xiligan heysata aysan aheyn Al-Shabaab, balse ay tahay muddo kororsiga madaxda DF.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa horey u diiday muddo kororsiga, waxayna ku hanjabtay tallaabooyin ka dhan ah kuwa ku lugta leh talaabadaas.

“Walaaca ugu weyn ee hadda ka jira Soomaaliya maaha Al-shabaab ee waa fowdada siyaasadeed ee ka dhex jirta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxay ila tahay Muddo kororsiga Madaxweynaha waa caqabada ugu weyn,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, oo warbixin siinayey guddiga adeegga ciidamada ee Senate-ka Maraykanka.

Guddoomiyaha guddiga ciidamada aqalka Senate-ka Maraykanka Senator Jack Reed ayaa isna xusay in muddo kororsiga madaxda DF ay ka dhalan karto halis wejiyo kala duwan leh.

“Tallaabadan waxay si toos ah u waxyeeleyneysaa horumarkii laga sameeyey hanaanka dimoqraadiyadda Somalia iyo isbeddelada hay’adaha dowladda, taageerada caalamiga ah ayeyna halis gelin kartaa” ayuu yiri Senator Jack Reed.

Jen. Stephen Townsend ayaa dhinaca kale carabka ku dhuftay in go’aankii Trump uu ciidamada Maraykanka uga saaray Soomaaliya uu abuuray caqabad cusub oo ku timid howlgalada Al-Shabaab ka dhanka ah.

“Ciidamo yar oo gaaraya illaa boqol askari ayaa iminka sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo shaqadooda tahay kaliya ilaalinta amniga Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya” ayuu yiri taliyaha

Ka dib markii Madaxweyne Biden uu amar ku bixiyey in dib lagu sameeyo talaabada ciidamada Maraykanka looga saaray Somalia ayuu Jen. Stephen Townsend sheegay inuu haatan warbixin arrintaas ku saabsan siinayo xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -