Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dad Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Magaalada Toronto

Allaha u naxariistee Soomaali la oran jiray Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa ayaa lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Sida ay sheegeen Booliska Toronto Sahal iyo laba gabar oo la socday ayaa rasaas lagu furay, xilli ay waddada marayeen.

Saddexdooda ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka, walow Allaha u naxariisee Sahal uu markii dambe u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo bandhigin cid lala xiriirinayo falkan, balse waxey sheegeen in la arkayay gaari cad oo goobta ka baxaya, ayna socdaan baaritaanno lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay falkan.

Dadka goobta ka agdhawaa, ama haya muuqaallo la xiriira dhacdadan ayaa laga codsaday inay la xiriiraan booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/pe2QxGlMwgE

Related posts

Jabuuti oo shaacisay in Turkiga xal ka keeni karin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo difaacay qaraxyadii lagu le’day ee ka dhacay Soobe

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Maamul goboleedyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---