Ciidanka Liyu Boolis oo lagu eedeeyey iney shacab ku laayeen degaano ka tirsan Bakool

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa ka hadlay dagaaladii Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmaray xadka Gobolka Bakool uu la wadago dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Cabdi Tall ayaa xusay in dagaaladaas ay khasaaro xooggan kasoo gaartay dad Shacab ah, isagoo ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ku eedeeyey iney laayeen dadkaas badankood.

Waxaa uu xusay in dhibaatada ugu daran ay gaartay dadkii ka soo barakacay abaaraha ee ku nool degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo degaannada kale ee dagaalki saameeyey.

“Ciidamada liyuu Boolis inay dad Shacab ah ku xasuuqeen gobolka Bakool, waxayna howlgallo gaar ah ka sameeyeen, iyagoo oo aan kala tashan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Gudoomiye Tall.

Maalin ka hor ayey aheyd markii degaano ka tirsan xadka gobolka Bakool iyo Itoobiya ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada  liyuu Boolis iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab  oo soo weeraray, dagaalkaas ayaana weli ka socda gudaha degaanka Soomaalida.

- Advertisement -