Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo digniin adag siiyey Maamulka Galmudug

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa uga igay Maamulka Galmudug inay faragelinta ka daayaan degmada Matabaan, isagoo si cad u sheegay in dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Galmudug ay yihiin kuwo Walaalo a, balse looga baahan yahay inay Arrimaha degmadaas Galmudug faraha kala baxdo

Cali Jeyte Cismaan ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad ay xilalka ku Kala wareegayeen Gudoomiyihii hore degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan mudane Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobey) iyo gudoomiyaha cusub ee Degmada matabaan mudane Bashiir cabdiraxman (sheekeeye) taasoo lagu qabtay  Gudaha Degmada matabaan .

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa u mahad-celiyey gudoomiyahii hore Ee Degmada matabaan shaqada Wanaagsaneed uu qabtay iyo sida Daah-furnaanta leh ee ula shaqeeyey Maamulka Gobalka hiiraan.

Hogaanka cusub ee Degmada matabaan mudane Bashiir cabdiraxman sheekeeye ayaa u mahad-celiyey gudoomiyahii hore ee Degmada iyo howlahii wanaagsanaa ee uu soo qabtay asigoo sheegey inuu sii wadi doona howlaha hortabinta leh ee hor yaalo Maamulka Degmada matabaan lana Shaqeeyn doono Maamulka Gobalka hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan  ayaa gudoomiyaha cusub kula Dardaarmay sidii uu kaga shaqeyn lahaa Nabadda Iyo xasiloonida Degmada matabaan gudoomiyaha ayaa ugu Dambeyntii carabka ku adkeeyey sida aay muhiimka u tahay in Deeganada Gobalka Hiiraan laga xureeyo kooxaha nabad diidka taas oo aay Socdaan Howl’galadda ka dhanka ah Alshabaab kana socdaan deeganada iyo Degmooyinka u Dhaxeeyo  Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas,

Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamul ahaan ay hoostageysay Maamulka Galmudug, hayeeshee dhawaan waxaa Maamul cusub u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, maamulkaas oo shalay xilka la wareegay.

 

- Advertisement -