Mahdi Maxed Guuleed oo bilaabay dabagalka arrin uu u xilsaaray Raisul Wasaare Khayre (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta booqday Wasaaradaha kalluumaysiga, ganacsiga, Xannaanada xoolaha iyo beeraha, si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii Wasaaraduhu  la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku ku tegay afarta wasaaradood ayaa sheegay in ujeedka booqashadu ay ahayd qaabkii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinaho qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasaaradaha ay maanta booqdeen ay ballan qaadeen in ay sida qorshuhu ahaa u fulin doonaan ballan qaadyadii ay sameeyeen, si looga dhabeeyo hir-gelinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u xil saaray daba galka hannaanka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishii Janaayo ee sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

Dalka Sweden ayaa kamid ah Dalalka ugu wanaagsan Qaarada Yurub marka la fiiriyo Dhanka Qaxootiga hase yeeshee waxaa hada la badalay sharciyada qaar kadib heshiis ay gaareen Xisbiyada Dalka ka jira qaar iyadoo Sharciga Cusub ee balaabanaya Sanadka Danbe uu dhigayo in Qaxootiga ku cusub Dalka laga jaro lacagta la siinayo hadii uu diido deegaanka la dajiyo madama maanta Dadka badankooda ay dalbadaan magaalada ay rabaan oo markaasi ka agdhow qaraabadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -