(Sawirro) Ranil Wickremesinghe oo loo doortay Madaxweyne iyo rabshado laga cabsi qabo

Xildhibaanada Baarlamanka dalka Sri Lanka ayaa Madaxweyne cusub u doortay Ranil Wickremesinghe oo dalkaas ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Amniga dhismaha baarlamaanka xilliggii ay dhaceysay doorashada ayaa si weyn loo xoojiyey

Madaxweynaha cusub Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod.

Waxyaabaha horyaalla Madaxweyne Ranil Wickremesinghe waxaa kamid ah inuu hoggaamiyo dal ay saameysay dhaqaale xumida iyo inuu soo celiyo xasiloonida kadib dibad-baxyada ballaaran ee saameeyay Sri Lanka.

Madaxweynihii hore ee Srilanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka toddobaadkii la soo dhaafay ka dib markii ay dibed baxayaal careysan ay ugu galeen aqalka Madaxtooyada.

Doorashada Ranil Wickremesinghe ayaa laga cabsi qabaa iney dibadbaxyo hor leh ka dhaliyaaan magaalada caasimadda ah ee Colombo sida ay sheegayaan Weriyeyaasha ku soo warrameya halkaas.

- Advertisement -