Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wararkii u dambeeyey Dabley hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay Baladweyne

Askari ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka lagu dilay bartamaha magaalada Balad-weyne ee gobolkla Hiiraan.

Dilka askariga ayaa yimid ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo bastoolaho ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Askariga oo Magaciisa lagu soo koobay Indha-xaraar ayaa dad goob-joogayaal ah waxay sheegeen in xilliga la dilayay uu marayay wadada Buulo Yacquub oo ka tirsan Xaafada Buundoweyn ee Magaalada Beledweyne.

Raggii ka dambeeyay dilka askariga ayaa horay u sii qaatay Qori AK-47 ah oo uu watay ka hor inta aysan ka baxsan goobtaas.

Ciidamada Booliska iyo Millateriga ee ku sugan Beledweyne ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay oo ay howlgallo baaritaano ah ka sameeyeen inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii geystay dilka askariga

 

Related posts

DF oo xanibtay duulimaadyadii ku socday gobolada dalka

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad Muqdisho ka dhacday

Cabdi Cade

Nin la tuhmayo in uu Soomaali yahay oo Toorey ku dilay Xildhibaan UK u dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---