Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay in aysan niyad jabineen Weerada Al Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kasoo yeeray ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab ka geesanayaan qeybo kamid ah gobolada dalka gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Related posts

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ogolaaday in uu bedelo Xubnaha Guddiga…

Cabdi Cade

Faahfaahin laga bixiyey shaqaaqo dhimasho geysatay oo ka dhacday Laascaanod

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Howgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyey degaano hoos taga..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---