Nin dad ku laayey Masjidka Quebec oo laga qafiifiyey xukun horey loogu riday

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa xukunka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Waxaa xukunkaas burisey Maxkamadda racfaanka Quebec oo ku tilmaantay mid arxan darro ah oo cadaalada ka fog.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan lagu xukumay  25 sano oo xabsi ah, lana sii deyn karo marka uu xukunkaas dhameysto

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.

Muslimiinta dalka Canada ayaa si weyn uga carooday xukunkan cusub, iyagoo intaas ku daray inuu utun ku yahay qoysaska dadkii la laayay, waxayna xuseen iney markooda racfaan u qaadan doonaan maxkamada ugu sareysa dalka Canada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -