Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay degmada Afgooye

Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa oo loo adeegsaday miino la aasay lala beegsaday ciidamo Boolis ah oo ku lugeynayey wadada haanta dheer ee gasha Suuqa khudaarta ee degmada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen labo ruux oo kala ahaa askari Boolis ah iyo qof shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Booliska degmada Afgooye oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa wada baaritaano laa xiriira kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

Qaraxyada noocan ah ayaa marar badan ku soo laalaabtay Degmada Afgooye, kuwaasoo galaaftay nolosha askar ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah.

- Advertisement -