Booliska Mareykanka oo ka hadlay sababta ay u xireen Ilhan Cumar & Xildhibaano kale

Booliska Mareykanka ayaa xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka.

War ay soo saareen Booliska ayaa lagu sheegay in dibed baxayaashu ay xireen waddo muhiim ah.

“Bannaanbaxayaashu waxay billaabeen inay xannibaan waddada First Street, NE. Waa sharci-darro in la xannibo gaadiidka, markaa askartu waxay bixiyeen saddex digniinood ka hor inta aysan billaabin inay xiraan,” waxaa sidaasi ku soo qoray Twitter-ka Booliiska.

Xubnaha la xiray waxay ka tirsan yihiin Xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka iyagoo ka qeyb galayay mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasoo ka dhacay Washington DC. waxaana xubnaha la xiray ka mid ah

Assistant Speaker Katherine Clark of Massachusetts
Ayanna Pressley of Massachusetts
Barbara Lee of California
Jackie Speier of California
Sara Jacobs of California
Ilhan Omar of Minnesota
Bonnie Watson Coleman of New Jersey
Andy Levin of Michigan
Rashida Tlaib of Michigan
Jan Schakowsky of Illinois
Madeline Dean of Pennsylvania
Cori Bush of Missouri
Carolyn Maloney of New York
Nydia Velazquez of New York
Alexandria Ocasio-Cortez of New York
Alma Adams of North Carolina

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.

“Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan tiri

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congreska Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay caruurta isaga soo ridi karaan.

Mudaaharaadkan ayaa daba socdaa go’aan ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka oo soo afjaray xuquuqda ilmo iska soo rididda ee dalka oo dhan.

- Advertisement -