Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in lacag loo heysto ciidanka dowlada Somalia loogu tababaray Eritrea?

Villa Somalia ayaa beenisay in dhaqaale laga rabo dowlada awgeed ay u xaniban yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa waxba kuma jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in madax furasho loo haysto ciidamadaas, si dalka dib loogu soo celiyo.

“Ma jirto lacag loo heysto ciidamada tababarka ku dhameystay dalka Eritrea, Soomaaliya waxaa ciidamo u tababara dalal badan oo ay ka mid yihiin Turkiga, Itoobiya iyo Eritrea. Ma jirto hal wadan oo lacag ku qaato tababarka ciidamada Soomaalida” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Mudadii ay jirtay dowladii Madaxweyne Farmaajo waxaa la faafiyey warar kala duwan oo la xiriira ciidamadaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in dhaqaalihii tababarka loo heysto ciidamadaas, kaasoo ay balan-qaadat dowlada Qatar oo si weyn u garab taagneyd Farmaajo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Casuumad u fidiyay Madaxweyne C/Ladiif Jamaal Rashiid

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ( Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed!

admin
Taboola Ads ---