Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed!

Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay maalmihii lasoo dhaafay askari u dhashay dalkaasi oo dharbaaxaya haweenay da’ah oo Ugandees ah, isagoo ka hadlaya arinkaas ayuuna yiri Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni:

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gaf weyn oo bulshadda ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay. Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka (fiisaha) Soomaaliya, maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Waa markii labaad oo Madaxweynaha Uganda usoo qaato Soomaaliya tusaaleyn xun, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad!

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

 

W/Q Xildhibaan Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -