DEG DEG: Ilhaan Cumar iyo Xildhibaano kale oo lagu xiray Mareykanka (Sawirro)

Dhowr Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa laga xiray agagaarka Maxkamadda Sare ee mareykanka waxaana ka mid ah Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota.

Xildhibaanadan ayaa ka mid ahaa dad Maxkamada sare ee Mareykanka ka dhigayey banaanbax ay ku diidan sharci haweenka ma mamnuucaya iney ilmaha iska ridaan oo dhowaan la ansixiyey

Weli lama xaqiijin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigga hase ahaatee Ilhan Cumar ayaa bogaga ay ku leedahay baraha ku xaqiijisay in la xiray.

Xariga ayaa yimid ka dib markii ay iska dhegatireen digniin ay Boolisku soo saareen oo aheyd iney dibad-baxayaasha tallaabo qaadi doonaan.

Mudaaharaadyo iyo isu soo baxyo ayaa dalka oo dhan ka dhacay tan iyo markii maxkamadda sare ee Mareykanka ay u codeysay in la mamnuuco haweenku iney ilmaha iska so ridaan saddex toddobaad ka hor.

Axadii, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay Xarunta Gobolka Minnesota ee Capitol, iyagoo taageeraya xuquuqda ilmo iska soo rididda.

- Advertisement -