Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu RW Xamse kala hadlay Fiona Lortan iyo Saraakiisha hawlgalka ATMIS? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka oo loo dejiyay in ay ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siineyso amniga iyo sidii waddanka nabad looga dhigi lahaa.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ,oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha

Related posts

Qancis mise Quursi Habdhaqankii shalay Axmed Madoobe ee Shirka Brussels !!

Cabdi Cade

Gudoomiye Amiir oo shan arrin kala hadlay Zafer Eşki (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo caro & cambaareyn caalami ah kala kulantay dilka shaqaale samafal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---