Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo codsi hordhigay dhigiisa Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Somalia Shiikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Carabta mudane Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi, ayaa waxaa uu la wadaagay dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah inay Soomaaliya ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane  Adel bin Abdulrahman Al-Assumi, oo asagana dhankiisa ka codsaday dalalka Carabta in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira degaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad  xiriir ah abaaro daba dheeraadey jiraan.

Wadahadalan ayaa ka dambeyay ka dib kulankii ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Adel bin Abdul Rahman Al Asoomi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen. sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa soo hadal qaaday mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto ka hortagga abaaraha, dadaallada dib lagu yagleelayo amniga iyo xasiloonida  iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.

Related posts

Britain oo digniin ka bixisay Muddo kordhin loo sameeyo heyadaha DF

Caydiid Ali

Talooyin ku socda Madaxda Dowladda oo ku aaddan wadahadalada Soomaaliland

Cabdi Cade

Senator Faroole oo ka digay arrin u damacsan yahay Madaxweyne Saciid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---