Qancis mise Quursi Habdhaqankii shalay Axmed Madoobe ee Shirka Brussels !!

Hogaamiyaha maamul goboleedka Jubaland Axmed madoobe iyo xubnihii la socday ayaa shalay ka baxay shirki ka socday Brussels ka kadib markii ay u kasoo horjeesteen ajandayaasha shirka oo ay sheegeen in wax laga bedelay sidii horay la isugu ogaa.

Dhacdada kadib waxaa soo farageliayay xubno ka socday dowlada federaalka oo Axmed Madoobe ku qancin waayay in shirka ka qeyb galo lana xalin doono tabashadiisa balse wuu ka biyo diiday arintaasi.

Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ayaa markii dambe la kulmay Hogaamiyaha maamulka Jubbaland kuwaa oo markii dambe si sahlan ugu qanciyay Axmed Madoobe in uu soo fariiso hoolka uu shirku ka socday.

Dabcan sida xaqiiqda ah beesha caalamka uma soo faragelin in ay ku qanciyaan Axmed madoobe inuu shirka ka qeyb galo, laakiin waa fariin ay caalamka ku tusinayaan in Soomaali weli yihiin umad kala daadsan,aanan wada jir ku hashiin dhexdooda, is xalin karin, fara gelin shisheeyana aan ka maarmin.

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday  ayaa shirka ku laabtay kadib markii uu la hadlay masuul ka socday beesha caalamka iyadoon ajandayaashii shirka waxba laga bedelin sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

Waa nasiib darro weyn oo heystay siyaasiyiinta Soomaalida inaysan dhexdooda waxba kala maqlin, waxna isku ogoleen lkn ay shisheeyahay kale u dhega nugulyihiin, tiiyoo ay dheertahay marka khilaaf soo kala dhexgalo inaysan hashiin karin inta shisheeyaha kasoo faragelinayo.

Si kastaba, eedda ugu weyn ayaa kusoo laabaneysa kuwa matala shacabka oo marka hore u sacaba tuma soona doorta shaqsi bulshada ugu liita iyagoo ku dooranaya nin jeceleysi ama qabyaalad,isagana wuxuu dooranayaa kuwo kale oo kasii liita kuwaasoo dhib mooyee aan dheef laga arag.

W.Q Abdinasir Safaana

Email:Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -