Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilhaan Cumar oo Biden ku eedeysey inuu ka baxay balan uu horey u qaaday

Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa safarka Madaxweyne Joe Biden ku tagay dalka Sacuudiga ku sifeysay mid aan la aqbali karin.

Sida uu shaaciyay wargayska The Independent booqashada Biden ee Sacuudiga ayaa diraysa farriin khaldan.

“Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagay Sacuudiga waa mid ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in uu Sacuudiga ka dhigi doono dal go’doonsan kaddib dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khashuqji” ayey tiri Ilhan Cumar.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u sheegay inuu si shakhsi ugu haysto mas’uuliyadda dilkii wariye Jamaal Khaashuqji.

Mr Biden ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu Amiirka kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Jeddah, iyadoo amiir Maxamed Bin Salman uu mar walba beeniyo eedeymahaas.

Jamal Khashoqji oo ahaa wariye fadhigiisu yahay Mareykanka oo kasoo jeeday Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, waxaana dilkaas uu sumcad xumo u soo jiiday Qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Related posts

Midowga Afrika oo Shaaciyay xilliga uu furmayo Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Cabdi Cade

Safiiro cusub oo lagu ansixiyey kulankii Golaha Wasiirada Somalia (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Sargaal sare oo katirsanaa Milatariga Itoobiya oo la Sumeeyay iyo Abiy oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---