Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo caro & cambaareyn caalami ah kala kulantay dilka shaqaale samafal

Ururada caalamiga ah iyo wadamada caalamka ayaa si kulul uga falcelinaya dilka todobo ka mid ah shaqaalaha heyadda WCK) oo lagu laayey.

Ciidamada Israel ayaa duqeyn la beegsaday kolonyo ay la socdeen shaqaalahan uu dhashay dalalka Poland, UK, Mareykanka,  Autralia Falastiin iyo qaar kale xili ay gelbinayeen gargaar loo waday dadka baahan.

Qaramada Midoobay (QM) : Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah  Martin Griffiths ayaa sheegay “in uu aad uga xun yahay dilka shaqaalaha gargaarka isagoo ku tilmaamay geesiyaal, la dilay iyagoo isku dayaya waxay quudiyaan dadka gaajaysan,”

“Xabbad-joojinta, waa xalka ugu wanaagsan. Ficilada kuwa ka dambeeya falkan waa mid aan la difaaci karin. Tani waa in la joojiyo.” ayuu yiri.

Barnaamijka Cunada Adduunka ee WFP ayaa Weerarkan lagu qaaday samafalayasha ku tilmaamay  mid aan la aqbali karin.

“Badbaadada shaqaalaha gargaarka ayaa muhiimad gaar ah leh, si la mid ah badbaadada kuwa u yimaada gargaarka. #NotATarget,” ayay tiri Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP)  Cindy McCain.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isna weerarkan ku sifeeyey mid waali ah.

“Immisa nafood oo kale ayaa waayi doona ilaa xabbad joojin laga gaarayo? Waxaan aad uga xunahay dilka shaqaalaha bini’aadantinimada loogu geystay Gaza. Badbaadadu waa shuruudaha aasaasiga ah ee gaarsiinta gargaarka naf-badbaadinta, ” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)  Tedros Adhanom Ghebreyesus

Midowga Yurub aya isna xusay in ficilkan oo muujineyo baahida loo qabo in la helo xabad joojin deg deg ah.

“Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo fulinta  qaraarka golaha amaanka ee codsanaya xabbad-joojin degdeg ah, gargaar bini’aadantinimo oo buuxa iyo ilaalinta rayidka waa in si degdeg ah loo hirgeliyaa,” ayuu yiri dublamaasiga sare ee Midowga Yurub (EU)  Josep Borrell.

Dowlada Poland aya tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska mutadawiciin   gargaar siinayey dadka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Poland waxa ay diidan tahay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha bani’aadamnimada,” ayay tiri  wasaaradda arrimaha dibadda Poland.

Shiinaha ayaa dhankiisa cambaareeyay dilka toddobo qof oo u shaqeynayay heyadaha gargaarka ee Gaza.

“Shiinuhu wuxuu ka soo horjeedaa dhammaan falalka waxyeellada u geysanaya dadka rayidka ah, waxyeelleynaya xarumaha rayidka, iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Wenbin Shiinaha ayaa “ka naxay weerarka,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in dadka rayidka ah “aan la bartilmaameedsan karin, sidoo kalena aan la halis gelin ammaanka shaqaalaha gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa xaqiijiyay in Maraykanku uu kala hadlay Israa’iil duqeyntii lagu dilay ugu yaraan 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka, wuxuuna ku booriyay “in si degdeg ah, baaritaan dhab ah, oo dhexdhexaad ah loo sameeyo.”

Blinken ayaa sidoo kale tacsi u diray “kuwa ay jecel yihiin, qoysaska, asxaabta, asxaabtii kuwii naftooda waayey, “Waxay qabanayeen shaqo geesinimo leh oo aan caadi ahayn, maalinba maalinta ka dambaysa, iyo shaqo muhiim ah si ay isugu dayaan inay hubiyaan in dadka baahan ay helaan waxay u baahan yihiin, iyagoo ka bilaabaya waxa ugu aasaasiga ah – cuntada – si ay u noolaadaan,” ayuu yiri.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay si degdeg ah u raadinayso macluumaad dheeri ah oo ku saabsan dhimashada samafale British ah  oo lagu dilay Gaza, xafiiskeeda arrimaha dibadda ayaa Talaadadii sheegay.

Australia waxay iyana sheegtay iney la xiriirtay Israa’iil, Ra’iisul wasaaraha dalkaas Anthony Albanese ayaa sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga “ay ka codsatay inuu soo waco safiirka Israa’iil u fadhiya Australia” si wax looga weydiiyo falkan argagaxa leh.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qiray in ciidamada Israa’iil ay “si ula kac ah u garaaceen dad aan waxba galabsan marinka Gaza kuwaasoo ay ku jireen shaqaale gargaar.

“Nasiib darro, maalintii ugu dambeysay, waxaa dhacday dhacdo naxdin leh oo ay ciidamadeenu si ula kac ah u laayeen dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa Marinka Gaza. Waxay ku dhacdaa dagaal, si fiican ayaanu u baaraynaa. Waxaan la xiriirnay dowladaha, waxaana sameyn doonnaa wax walba si aan uga hortagno dhacdooyinkan mustaqbalka,” ayuu yiri Netanyahu.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid ka dib markii ugu yaraan toddobo ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee heyadda (WCK) lagu dilay Gaza. Ciidamada difaaca Israel ayaa goor sii horeysay oo talaadada sheegay in ay baarayaan weerarka “heerka ugu sarreeya”.

Related posts

Akhriso) Isku aadka horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leauge oo la sameeyey

Caydiid Ali

Xogta Jar Caalimi ah oo Ka Dhalatay Afduubkii loo geestay Silvia Romano

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kulan amaanka iyo howlgalada ciidamada looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade