Baaris lagu bilaabay dad lagu tuhmayo dilkii loo geestay Nabadoon Cabdiqani Walloore

Ciidamada dambi baarista Puntland ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dil kooxo biskoolado ku hubeesan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafada Garsoor ugu geesteen Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore), oo kamid ahaa waxgaradka Puntland.

Howlgal ciidamada Puntland ka sameeyeen Waqooyiga Gaalkacyo ayey kusoo qabteen rag lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falal amaan darro, dadka lasoo qabtay qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug lahaayeen dilka nabdoon Walloore.

Ciidamada Puntland raga ay soo qabteen ee la tuhmayo ayaa lagu hayaa xabsi gaar ah oo lagu baarayo, waxaana ragan qaarkood saraakiisha sheegeen in lagu tuhmayo dilka nabadoonka .

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) ayaa lagu dilay 16 June 2022 banaanka hore ee Masjidka Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana isla masjidkaasi banaankiisa lagu dilay aabihiis 8 August 2011.

Maamulka Puntland ayaa xukuno dil ah ku riday rag badan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay kamid yihiin Al Shabaab qeybna ka ahaayeen dilal badan iyo qaraxyo ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -