Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe & safiirka Mareykanka ee Somalia? (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Waxaa ka mid ahaa wafdigaas  la taliye Sare ee arimaha bini’adantinimada Kathrin Lauer oo kasocotay USAID Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee AFRICOM.

Madaxweynaha iyo Masuuliyiintan kasocotay Dowlada Maraykanka ayaa ka wada hadlay arimaha amaanka, dagaalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo tageerada Maraykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka

Cabdi Cade

Saalax Axmed oo kulan miro-dhal ah Genava kula qaatay Pamela Coke

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii u furmay dowladaha Ruushka & Ukraine?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---