Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii u furmay dowladaha Ruushka & Ukraine?

Wadahadalo u dhaxeeya dowladaha Ukraine iyo Ruushka oo ka billowday xadka Belarussia ayaa maalintii koowaad dhamaaday natiijo la’aan sida uu Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay la taliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak.

Wufuuda labada dhinac ayaa kala watay ajendayaal aad u kala fog oo mid walba uu doonayey in dhinaca kale uu fuliyo

Ergada ka socotay Ukriane ayaa dalbaday xabbad joojin degdeg ah iyo in dhammaan ciidamada Ruushka ay ka baxaan Ukraine inta aan wax kale laga wadahalin, hase ahaatee Ruushka ayaa ku gacan seyray arrimahaas iyagoo dalbaday in marka hore ay Ukriane fuliso dalabaadka Ruushka oo ay ka mid yihiin iney dhexdhexaad ka noqoto Russia iyo NATO iyo ka harto damaceeda la xiriira iney ku biirto isbaheysigaas.

Wadahadalka ayaa la filayaa in mar kale dib la isku soo laabto.

Mareykanka ayaa joojiyay howlihii uu ka waday safaaradda uu ku leeyahay caasimadda Belarusia ee Minsk, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Belarus ayaa si weyn u taageertay duulaanka Ruushku ku qaaday Ukrine.

Blinken waxa uu bayaan uu soo saaray intaa ku daray in Washington ay sidoo kale u ogolaatay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaarada Maraykanka ee Ruushka inay ka baxaan dalka.

“Waxaan u qaadnay tillaabooyinkan arrimo la xiriira ammaanka oo ka dhashay weerarka aan loo meel dayin ee ay ciidamada Ruushku ku qaadeen Ukraine,” ayuu yiri.

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulan ay mar kale yeesheen Madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari?

Caydiid Ali

Somaliland oo qoraal cabasho ka dhan ah Doorashada Soomaaliya u dirtay Caalamka

Cabdi Cade

DFS oo si rasmi ah maamul goboleed ugu aqoonsatay SSC Khaatumo (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---