Midowga Yurub oo Ballanqaad u sameeyay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Ergeyga Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay Midowga Yurub howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan midda gargaarka oo ay kordhiyeen xilliyadii u danbeeyay.

Waftiga oo iyana dhankooda bogaadiyay mudnaanta muuqata ee Dowladda Federaalku siineyso arrimaha bini’aadannimoda iyo dedaallada xafiiska ergayga ee u fududeynta u qareemida iyo isku dubbardika arrimaha abaaraha. Waxaa kale o ey ka dhawaajiyeen in dedaalada ergayga ey soo jiiteen indhaha caalamka iyada oo ay kor u kacday cadadka kasoo xerooday deeqihii lagu ballanqaadey shirkii Genev.

Waxey ay dhanka kale ballan qaadeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga si loo sii wado ka hortagga macluusha iyo badbaadinta ummadda soomaaliyed.

Sidoo kale ergaygu waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay xubno ka kala socdey hey’adaha IOM, NRC iyo save the children. Kulamada oo daba socday kuwo hore aya xog isweydaarsi halka wax marayaan kadib waxaa looga wada hadley qorsheyaal ku saabsan dardargelinta gurmadka, fududeynta deeq gaarsiinta iyo sidoo kale sare u qaadidda wacyiga laga qabo heerka abaarta.

- Advertisement -