Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ma dhab baa in Xassan Shiikh uu ka shaqeynayo xiriir dhexmara Somalia iyo Israel?

Sida uu daabacay Wargeyska The Times of Isreal, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaynaaya in uu Baarlamaanka DF kala hadlo arrinka qaddiyada Israa’iil gaar ahaanna xiriir labada dhinac dhexmara.

Xasan Sheekh ayaa si qarsoodi ah ula kulmay Raisal Wasaarihii hore ee Israel Netanyahu sannadkii 2016kii, sida wargeysku sheegay.

Dib u doorashada Xasan ayay Warbixintu ku sheegtay mid u wanaagsan cilaaqaad dhexmara Muqdisho iyo Tal aviv.

Soomaaliya oo dowlado kala duwan ay soo mareen ayaan weligeed xiriir dowlad u aqoonsan Israel, iska daba daa diblomaasi oo lala yeesho.

Dhinaca kale, Channel 12 Israel ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sannadkan horraantiisii booqasho ku tegay magaalada Washington uu saraakiil Maraykan ah kala hadlay in Somaliland doonayso xiriir la yeelato Israa’iil, balse aanay Talviv wax jawaaba siin Somaliland.

Wargeyska  ayaa sheegay in Bishii May ee sannadkan ay Safaaradda Israel ee Faransiisku abaabushay shir ay kasoo qaybgaleen Diblomaasiyiin, Suxufiyiin iyo Ganacsato, kaasoo diirrada lagu saarayay Iskaashiga Israel iyo waddamada Afrika, shirkaasi ayaa waxaa Somaliland ku matalayay Wasiirkeeda Difaaca.

Related posts

Mahad Salaad oo ka duceystay dadka degan xaafada Zona key

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka XDS iyo AMISOM (Sawirro)

Caydiid Ali

C/hi Max’ed Nuur: “Suuragal maaha in ajende COVID-19 ah loo dalbado 200 oo Maleeshiyo ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---