Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo si kulul u beenisay Warar uu baahiyey wargeyska The Times of Israel

Maamulka Somaliland ayaa beeniyey War uu baahiyey Wargeyska the Times of Israel oo sheegay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid) uu ka qeyb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidan u qornaa:-

Wararka beenta ah ee laga sheegayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL.

Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen wargaysa  in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.

Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiggu JSL Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  waxa uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudada 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in  uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada  Xuska maalinta Qaran ee 18may.

Wararka noocaan ah  waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka JSL lagu waxyeeleeyo

Related posts

Maqaamka iyo xuquuqda Muqdisho oo maanta laga tashaday

Cabdi Cade

Qadar oo ka laabatay Go’aan dad badan layaabeen oo ay horey u qaadatay !!

admin

Haweeney Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagay Oslo & dembi culus oo loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---