Madaxweynaha dalka Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Ranil Wickremesingh ayaa aqbalay in ay is casilaan oo shaqada ka tagaan, kaddib markii shacabka dalkaasi ku cadaadiyeen is casilaada.
Dalka Sri Lanka ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka jiray qalalaase siyaasadeed, waxaana shalay shacab careesan gudaha u galeen qasriga Madaxtooyada dalkaasi ,waxa ay sidoo kale gubeen guriga Ra’isul Wasaaraha.
Shacabka Sri Lanka oo ka cabanayay dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha iyo sicir barar ayaa ka dalbaday Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaarahga dalka in ay is casilaan, hasa ahaatee madaxda ayaa ka biyo diiday kahor inta aysan shacabka gelin Madaxtooyada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Sri Lanka, Mahinda Yapa Abeywardena ayaa sheegay shacabka ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan dibna ugu laabtaan guryahooda, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu is casili doono Arbacada soo socota.
Ra’iisal Wasaare Wickremesinghe ayaa isna sheegay in uu shaqada ka taggi doono, marka la helo dowlad cusub, waxaana wali xaalad hubanti la’aan ah ka jirta dalka Sri Lanka oo qalalaase siyaasadeed ka jiro.
Madaxweynha dalka Sri Lanka ayaa shalay naftiisa kala baxsaday shacabka careesan ee galay xarunta Madaxtooyada, waxaana sidoo kale isna gurigiisa isaga cararay Ra’isul Wasaaraha dalkaasi oo isna gurigiisa lagu weeraray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com