Imaaradka, Qatar iyo Turkiga oo isku heesta maamulida Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah

Dowladaha Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Turkiga ayaa hardan ugu jira iskuna heesta maamulida garoonka diyaaradaha caalamiga ee Xamiid Karzai ee kuyaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistan.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda ku dhaw yihiin in ay Taalibaan la galaan heshiis ay kula wareegayaan maamulka garoonka diyaaradaha ee Xamiid Karzai iyo garoomo kale oo kuyaalla Afgaanistan.

Maamulka Taalibaan ee la wareegay talada dalka Afgaanistan ayaa wadahadalo la xariira maamulida garoomada diyaaradaha ugu muhiimsan dalkaasi kula jirtay dowladaha Qatar, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladaha Turkiga iyo Qatar oo iskaashanayay ayaa markii hore loo saadaalinayay kuna dhawaa in ay la wareegaan maamulka garoonka diyaaradaha ee Kabul iyo kuwa kale, balse waxaa meesha dardar kusoo gashay dowladda Imaaraadka Carabta .

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo tabisay in wadahadalada socda ay qeyb ka yihiin in garoomada diyaaradaha Afganistan si wadajir ah loogu wareejiyo saddexdan dal ee hardanka ugu jira ee Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga.

Maamulka Taalibaan ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in la doonayaan maamulka garoonka caalamiga ee Kabul kuyaalla iyo garoomada kale la rabaan dalka Imaaraadka Carabta oo horey garoomadaasi maamulkiisa ugu lug lahaa.

Garoomada diyaaradaha dalka Afganistan dib u howlgalintooda ayaa muhiimad gaar ah u leh kooxda Taalibaan, si dalkaasi looga saaro xayiraada waxna looga qabto xaalada abaareed iyo mida nololeed ee dalkaasi ka jira.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -