Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud ee amniga iyo howlgalo ay hay’adaha amaanku wadeen maalmahii lasoo dhaafay kuwaas oo lagu soo qabtay dhagar qabayaal katirsan argagixisada kuwaas oo waday falal lid ku ah amaanka.

Wasaarada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay sidoo kale Wasaarada Caafimaafka ayaa ka warbixisay xaalada xanuunka #Covid19 oo Wali ka jirta deegaanada Jubaland isla markana uu aad u hooseeyo baraaruga bulshada.

Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixisay imtaxanaadka dugsiyada Sare ee Jubaland oo dhawaan lasoo gaba gabeeyay iyo shaqooyinka ahmiyada leh ee wasaaradu ay ku xoojinayso Waxbarashada iyo barbaarinta da’yarta Jubaland.

Related posts

Siyaasi Caan ah oo ka hadlay cabsida iyo guuxa ku saabsan qorshaha mudo korarsiga

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Jarmalka oo hub ku taageeray Israel oo loo gudbiyay Maxkamadda ICJ

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---