Muuse Biixi oo Cafis Madaxweyne u fidiyay in ka badan 500- oo maxaabiis ah (Wareegto)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022, waxa uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray ayaa cafis guud loogu fidiyay maxaabiis gaareysa 546 maxbuus, waxaana maxaabiista la cafiyay la sheegay in ay galeen dambiyo fudud.

Wareegtada cafiska uu soo saaray Madaxweyne Biixi ayaa u qornaa sida tan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

- Advertisement -