Fatahaad & daadad iswata oo saameeyey xaafado ka tirsan deg. Afgooye (Sawirro)

Webiga shabelle ayaa fatahaad ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo tuulooyinka hoos yimaada saacadihii ugu dambeeyey.

Fatahaada webiga ayaa si weyn u saameysay xaafada Baal-guri ee degmada Afgooye, waxaana guryahooda ka baxay qoysas fara badan oo guryahooda ay biyo ugu soo galeen.

Roobab xoog leh oo 48kii saac ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqisho iyo labada shabelle ayaa xaalada fatahaada Afgooye uga sii daray

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa geeyey degmada jawaano si loo xiro meelaha uu jabsaday webiga taas oo lagu guuleystay.

“Waxaan xirnay ilaa 4 meel oo webiga jabsaday ayadoo roob xoogleh uu ka da ayo gobolka ayay daadadka burburiyeen wadooyinka magaalo xeebeedyada Marka iyo Baraawe” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sh/hoose oo maanta indhihiisa ku soo arkay xaalada fatahaada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -